French Spanish Turkish Polish somali Russian Arabic Punjabi Urdu
Home page
Working Partnership
Debt Advice
Services
Policies
Contact
News
Kala talinta Amaahda
INA CAAWIN SI AAN KUU CAAWINO
Waxaan ogsoonahay in marka ugu horayso ee laga hor yimaado wakiilka amah ururiyaha ah ee Alexander’s ay noqon karto waayo-aragnimo cabsi leh. Aan ka jawaabno xoogaa su’aalo ah si maskaxdaada u degto.
Waa maxaay xuquuqda wakiilka amah ururiyaha ah?

Xaqiiqda aad dhabta u ah waxay tahay in Alexander’s laga soo coodsaday inuu soo ururiyo amaahda oo ay maxkamadaha soo go’aamiyeen inaad iska bixisid. Haddii aadan awoodin inaad bixisid, waxaan ku khasban nahay inaan la soo wareegno waxii hanti, taasi oo ah inaan sii iibino si aan u daboolno amaahdaada.
  • Amaah ururiyaha waxuu lee-yahay awoodda soo gelidda mana aha in la casumay
  • Waxaan u lee-nahay xaq sharciyeed inaan kaa soo qaadano lacagta lagugu lee-yahay
  • Waxaan la wareegi karnaa alaabtaada haddii aadan bixinayn waxa lagugu lee-yahay
  • Waxaan awoodi karnaa inaan ku samayno qabanqaabin aad ku bixisid labo ama seddax oo tiro yar ah
  • Ma lagugu soo dallacaayo wax intaa ka sii badan haddii aad ku adkaysatid qabanqaabada


Maxaa dhici kara haddii aan bixin karin?
Haddii aadan awoodin inaad bixisid xisaabta lagugu lee-yahay waxaan awoodnaa inaan kuu samayno qabanqaabin aad ku bixisid si joogto ah tirooyin yar-yar. Ma kuu keenaydo kharash dheeri ah haddii aad dhoowrtid shuruudaha bixinta ee aan ku heshiino. Haddii aadan awoodin inaad bixisid waxaa dhici karto inaan awood u yeelano inaan qaadano qaar ka mid hantidaada, taasi oo aan sii iibinayno si aan uga bixino qaar ka mid ah ammahdaada

  • Waxaa awoodnaa inaan samayno qabanqaabin aad ugu bixisid si joogto ah xisaab yar
  • Ma lagugu soo dallacaayo kharash intaa ka badan intii aad ku adkaysanaysid qabanqaabada
  • Ogoow in ka badan 90% la jibyo qaran ahaan qabanqaabada amah ururiyaha
  • Jebinta qabanqaabada waxay la micno tahay qiimaha oo sii saa’ido
  • Waxaan awood u lee-nahay inaan qaadano hantida, taasi oo aan sii iibinayno si aan uga bixino qaar ka mid ah amaahdaada


Maxaa dhacaayo haddii aan bixin?
Maxkamadda waxay go’aamisay inaad iska bixisid amaahdaada. Bixin la’aanta ma aha mid la dooran karo. Ku guuldarraysiga ugu dambeeyo oo ah in la bixiyo waxay noqon kartaa sharaf ka dhac loo gaystay maxkamadda waxaana lagugu gay karaa xabsiga. Alexander’s waxay kaa la hadli karaan hababka bixinta xisaabaha yar-yar ama inay qaataan qaar ka mid ah hantidaada, taasi oo sii iibinaayaan si ay uga dhiibaan amaahdaada.

  • Sharciga waxuu lee-yahay waa inaad iska bixisaa amaahdaada
  • Waxaan awoodi karnaa inaan kuu qabanqaabino si aad iskaga bixisid si joogto ah qaar ka mid ah amaahdaada
  • Haddii aadan bixinin waxaan qaadan karnaa hantidaada waana sii iibin karnaa si aan uga dhiibno qaar ka mid ah amaahdaada


Halkee ayaan ka heli karaa caawinaad?
Waxaa la xiriiri kartaa ururka ama maamulka oo aad ku lee-dahay lacag. Xafiiska la-talinta Muwaadanka (Citizen’s advice bureau ) wuu ku caawini karaa. Alexander’s waxay samaynayaan dhammaan waxii ay kugu gacansiin karaan laakin awood uma aannu lehin inaan beddelno go’aanka maxkamadda.